FADEEXAD CUSUB: Kooxda DAACISH oo markii ugu horreysay adeegsata Baasaboorka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeysyada kasoo baxa dalka Sudan ayaa qoray in dhalinyaro kasoo jeeda dalkaasi ay ku biireen Maleeshiyaadka Daacish iyaga oo adeegsanaaya Baasaboorka Soomaaliga ah.

Baasaboorka Soomaaliga ayaa waxaa adeegsaday 4 Gabdhood oo u dhashay dalkaasi isla markaana labo kamid ah ay yihiin walaalo Mataano ah, halka labada kalane ay kasoo kala jeedan laba qoys.

Gabdhahaani oo watay Baasaboorka Soomaaliga ayaa waxa ay ka dhoofeen Garoonka weyn ee Magaalada Khartoum kuwaasi oo Transit kusii maray Magaalada Sharjah ee imaaraadka Carabta kahor inta aysan diyaarad kale usii raacin dalka Turkiga.

Wargeysyadu ma aysan sheegin halka laga fududeeyay bixinta Baasabooradaasi, inkastoo warar hoose ay sheegayaan in Baasabooradaasi laga soo saaray Safaarada DF Somalia ee Magaalada Khartoum, sida laga soo xigtay weriyayaal ku sugan Magaalada Khartoum.

Goortii ay safrayeen ayaa Saraakiisha qaabilsan qeybaha duulimaadyada ay uga sheekeeyen in asal ahaan ay kasoo jeedan dalka Somalia balse ay ku dhasheen dalka Sudan, sidaana ay ugu fududaatay qaadashada Baasaboorka.

Warbixino kasoo kala baxay DF Somalia iyo Safaarada Somalia ee dalka Sudan, ayaa lagu beeniyay in Muwaadiniin u dhashay dalkaasi ay ku socdaalen Baasaboorka Soomaaliga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com