27.4 C
Mogadishu
Sunday, May 17, 2026

Golaha Wasiirada DF oo ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah xilli mucaaradka ay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa uga hadlay qorshaha hirgelinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahmiyad weyn u leh hey’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo golaha ka-hor jeedisay qorshaha lagu hirgalinayo dastuurka, muddada iyo farsamada, ayaa soo jeedisay ujeeddooyinka muhiimka ah ee uu leeyahay hirgelinta dastuurka dalka, kaasi oo qeexaya hubinta in dhammaan qodobada dastuurka la hirgaliyo muddada dastuurka ku cad ee ah inta u dhaxeysa sanadaha (2026-2029).

Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in golaha la hor-keeni doono qaraar qeexaya shaqooyinka horu-tabinta leh ee Dastuurka ku jira ee 12-ka bilood ee soo socota la qabanayo, iyada oo loo eegayo duruufadaha uu dalka ku jiro, iyo baahiyaha loo qabo, waxaanna shaqooyinkaas ka mid ah guddiyo iyo hay’addo aad muhiim ugu ah socodsiinta shaqooyinka Qaranka, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo kulanka guddoomiyey, ayaa dhankiisa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay Madaxweynaha iyo maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka, balse hirgalintiisa farsamo ahaan ay ku caddahay Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ayaa dhagaystay warbixinno ku saabsan doorashooyinkii qof iyo codka ee ka qabsoomay degmooyinka Koonfur Galbeed iyo kaalintii ay ka qaadatay Warbaahinta Qaranka iyo warbixin la xiriirta wadahaladii laga galay arrimaha doorashooyinka ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Hormuudka ka ahaa.

Dhaqangalka dastuurka cusub ayaa saameynaya golaha, iyadoo wasiirrada ku jira Baarlamaanka labada xil ay hayaan mid uun ay dooran doonaan, waxaana noqday mudanihii ugu horreeyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Cabdifitaax Qaasim oo ka tanaasulay xubinimadiisii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan waxay kusoo aadeysaa, iyadoo Jimcihii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in muddo xileedka hay’adaha dowladda uu ku egyahay 15-ka May, 2027, sida uu dhigayo dastuurka cusub ee la ansixiyay.

Si kastaba, mucaaradka ayaa kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah iyo wax ka beddelka dastuurka, iyada oo todobaadkii hore ay fashilmeen wada-hadalladii labada dhinac uga socday xerada Xalane, isla markaana ay gar wadeenka ka ahayd beesha caalamka.

 

- Advertisement -

Read more

Local News