PUNTLAND oo HESHIIS cusub la gashay shirkad baarta shidaalka kadib heshiisyo ay diiday DFS!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa heshiis cusub la saxiixday Shirkad cusub oo ku shaqo leh howlaha Shidaal baarista oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Shirkadaani oo lagu magacaabo ION Geophysical Corporation, ayaa si rasmi ah heshiis ula gashay Wakaaladda batroolka iyo macdanta Maamulka Puntland.

Heshiiska ayaa qeexaya in Shirkada ION Geophysical Corporation ay shidaalka ka baarto qeybta badda Maamulka waxa uuna Heshiisku dhigayaa in Maamulka Puntland ay shirkada u madax-baneyso dhamaan Howlaha baarista la xiriira.

Heshiiskaani ayaa lamid noqonaaya heshiiskii dhexmaray DF Somalia iyo shirkada Soma Oil and Gaas oo laga leeyahay dalka Britain.

Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Shirkadaani ay baarista ka fulin doonto 8,000 km oo isku wareeg ah.

Shirkadaani ayaa u tilmaaman tirro ahaan 25 ceel shidaal, kuwaasi oo ku kala faahsan dhul badeedka Puntland ay xukunta oo dhan 180,00km oo isku wareeg ah.

Arrinta heshiiska labada dhinac ayaa waxaa xaqiijiyay agaasimaha wakaaladda shidaalka iyo macdanta Puntland Ciise Faarax waxa uuna sheegay in hadii lagu guuleysto baaritaanka ay noqon doonto arrin taariikhi ah.

Waxa uu sheegay in ujeedka uu yahay in Puntland ay la soo baxdo kheyraadka ku jira deegaanadeeda waxa uuna taasi ku micneeyay mid guul laga soo hoyin doono.

Sidoo kale, waxaa arrintaani ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka shirkadda ION Mr Joe Gagliardi waxa uuna tilmaamay in saadaashu ay u badan tahay inay farmuuqi doonaan goobaha laga heli karo Shidaalka.

Howshooda ayuu ku sheegay inay tahay mid ay ku caawinayaan Maamulka Puntland si loo calaameeyo Ceelasha.

Dhanka kale, Heshiiskaani ayaa u muuqaal eg mid dhawaan DF Somalia ay ku fadeexowday kaasi oo ay la gashay Shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka Britain oo lagu magacaabo Soma Oil and Gas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com