XOG: XASAN Sheekh iyo RW CCC oo ka hadlay hal arrin oo niyad jab ku riday dowladda Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay dhibaatada gaarka ah ee DF Somalia ka heysta ballanqaadyada Beesha caalamka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in DF ay dhibaatooyin farabadan u mareyso dhaqaalaha ay ballanqaadan Dowladaha Caalamka, waxa uuna sheegay in ilaa iyo hadda gacanta Dowlada aysan kusoo dhicin lacagihii loo ballanqaaday.

Waxa uu sheegay inaysan jirin illaa hadda taageerrada beesha caalamka ee ku aadan horumarka gaar ahaan barnaamijka Hiigsiga ee New Dealka oo ah barnaamij ay deeq bixiyaasha ku doonayaan in dib loogu soo celiyo waayihii wanagsanaa ee Somalia.

Ra’isul wasaaraha kaliya Beesha caalamka waxa uu ku amaanay in door muuqda ay ka qaateen amaanka dalka waxa uuna tusaale u soo qaatay tababarrada ay helaan Ciidamada Militerga Somalia.

”DF Somalia wax dhaqaale ah kama heyso Beesha Caalamka, dhowr jeer ayay sameeyen ballanqaadyo ma aha mid soo gaara dowladda,lamana arkin illaa hadda barnaamijka New Dealka oo qayb ka ah horumarka, mana aanan arag Iskuul iyo wax la mid ah oo illaa hadda la hirgaliyay,”

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa isna caddeeyay inaysan illaa hadda soo gaarin dhaqaalo badan oo la sheegay in loogu yaboohay Somalia.

“Sanadkii hore dhaqaalo badan ayey caalamka sheegeen inay Somalia ugu deeqeen, balse waxay tahay maxaan ka heyna lacagta,waxan idin caddeynaya inaysan jirin wax macno leh oo laga hayo”

Dhanka kale, Haddalka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Cumar ayaa imaanaya xili DF Somalia ay la daala dhaceyso dhaqaale xumi kadib markii keydka DF loo adeegsaday qaabab kala duwan oo ay kamid tahay Mooshinada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com