“Haddii uu Xasan Sheekh aaminsan yahay in BF uu waji ka yaal isaga ayaa ka warbogi doona”.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Aabi Aadan oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia ayaa si adag uga hadlay Mooshinka cusub ee dhawaan loo gudbiyay Gudoonka sare ee BF kaasi oo uu sheegay in lagu difaacaayo Madaxweyne Xassan.

Xildhibaan Axmed Aabi ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka garabka Mooshinka kaga soo horjeeda Xassan Sheekh ay yihiin kuwo dhan waliba ka cuskaday sharciga dalka islamarkaana ay kalsooni buuxa ku qabaan in Mooshinkooda uu ku bixi doono Xassan Sheekh.

Xildhibaan Aabi waxa uu sheegay in waxa ay iyagu wadaan aan u ahayn Mooshin ee uu yahay soo jeedin wuxuu ugu yeeray, waxa una ku macneeyay in ay dalbanayaan oo kaliya inuu Madaxweynuhu iscasilo, balse Xassan uu soo jeedinta ka qalqalay.

Sidoo kale, Mooshinka ka dhanka ah kooda, oo wax laga weydiiyay, ayuu sheegay in ay xildhibaanada wada Mooshinka lagu difaacaayo Xassan Sheekh aysan tiro ahaan u dhigmeynin kuwa garabkiisa ee kasoo horjeeda Madaxweynaha.

Geesta kale, Aabi waxa uu sheegay in iminka Mooshinkooda uu yahay mid maraayo meel wanaagsan oo ay ku qanacsan yihiin, waxa uuna farta ku goday inuu aaminsan yahay in Maxkamada sare ee dalka Mooshinkaasi ay meel marin doonto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com