Xog iyo Gorfeyn: Madaxweynaha SOMALIA waa qorax sii dhaceysa oo soo noqod aan laheyn.!!!

Madaxweyne kasta oo yimaaada maalin ay ahaataba waa la badalayaa, sida caadada ah ma jiryo Madaxweyne iska taagnaanaya oo abid isaga raaxeysanaya kursiga madaxtinimada, shalay Madaxweynayaashii joogay maanta midna laguma arko masraxa siyaasada, isbadal ayaa mar walba imaanaya, hogaamiye kasta oo la jeclaa haddii uu la yimaado ka bad-badis cidna uma dul qaadan karto, isbadal sidii loogu sameyn lahaa ayaa dhexda loo xertaa.

Shardi ma aha Madaxweyne walba in uu dhameeysto sanadaha loo igmaday hogaaminta Qaranka, suurtagal waxaa ah in la badalo ama uu is casilo haddii lagu helo QIYAANO QARAN, XIL- GUDHASHO LA’AAN, MUSUQ MAASUQ, KU TUMASHADA DASTUURKA IYO HOGAAMIN XUMO, seddex (3) sano ayaa ka soo wareegtay xilligii la doortay Madaxweynaha iminka xafiiska ku sugan , niyad sami, kal gacal, farxad iyo wanaag ayaa lagu soo dhaweeyay, Xiiso badan ayaa loo qabay imaanshahiisii, waa Aqoonyahan waana Xog-ogaal aan la gaadi karin isla markaana deg-deg u abuuri kara horumar ayaa IIDHEH looga dhigay toddobaadyadiii ugu horeeyay ee doorashadiisa.

Bilowgii Madaxweynaha xilligaan waxaa laga maqlay khudbado aad u macaan badan, shacbi aan yareyn waxaa soo jiidtay balan qaadyadii la sameeyay, dharaar cad waxaa ummadda horteeda laga shaaciyay:- In Cadaalad loo dhan yahay la heli doono, In la cirib tiri doono Musuq maasuqa, In Sharciga hortiisa loo sinnaan doono, In Bulshadu barwaaqo hanan doonto, In Amniga la gaarsiin doono heer lagu kalsoonaan karo, In Baddii la gatay la soo celin doono, In Sharaftii iyo Qaranimadii dhimatay la soo nooleyn doono, In laga fogaan doono waxii khilaaf abuuri kara si loga baaqsado inuu yimaado dib u dhac iyo qodobka ugu weyn oo ahaa Hiigsiga 2016-ka iney Soomaaliya ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah, miskiin….. dadkeena qaarkood sheekadaasi run bey u qateen, muwaadin walba waxaa ku abuurmay rajo iyo yididiilo cusub, go’aan waxaa lagu gaaray in laga dhur-sugo balan qaadka la shaaciyay.

Been fakatay run ma gaarto, maalmo, toddobaadyo, billo, iyo sanado ayaa haatan ka soo wareegtay horumarkii la sugayay, kaasi oo imink aan waxba ka soo naasa caddeyn, Niyad jab, Rajo beel iyo Quus ayay dadku joogaan, arin walba oo la balan qaaday si bil caksi ah ayay isu badashay caddaaladii la balan qaaday waxaa lagu badalay cadaalad daro, gef, tacadi iyo caburin siyaasadeed, horumarkii wuxuu noqday mushaar la‘aan xiriir ah, Qaranimadii qabiil ayaa laga doortay iyo daacad u ahaanshaha kooxda Damul jadiid, musuq-maasuqii la dabar goynayay wuxuu noqday in si cad loo boobo hantida ummadda, bootadii ugu balaarneyd ee ahayd in sanadka 2016-ka la qaban doono doorasho hal qof iyo hal cod ah taasina waa lagu hungoobay.

Cirka kama soo dhicin intaasi oo dhibaato ah iyo in kale oo ka fara badan balse waxay ka dhalatay Hogaamin xumada taagan, si ummadda loo bad-baadiyo, Dalkana loogu horseedo horumar, Musuq maasuqa faraha ka baxay loo hakiyo, ayaa loo keenay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya, mahad waxaa leh Xildhibaanadii gartay in Soomaaliya aaney sidaasi ku sii socon Karin.

Dalka diyaar ayuu yahay inuu isbadal ka dhaco, muwaadin walba wuxuu xiisaynayaa sidii uu deg-deg isbadalkaasi ugu qabsoomi lahaa, ma yara xusul duubka loogu jiro sidii hogaanka maanta loo mac-salaameyn lahaa, dadaal aan kala go’ lahayn ayaa loogu jiraa sagootintiisa, shirar aan kala joogsi lahayn ayaa soconaya, hadafka guudna wuxuu ku qotomaa sidii Wadanka looga qaban lahaa bohosha uu ku sii dhacayo.

Dadka odorosa siyaasadda Soomaliya iyo madaxda Caalamka ee sida dhaw ula socota arimaha gayigeena waxay saadaal ku bixiyeen in mustaqbalka siyaasadeed ee Madaxweynaha Soomaaliya uu soo Gaabanyo, muuqaal ahaan sadaashaasi waxay iftiiminaysaa inuu maamulka Madaxweynaha u ek yahay “QORAX SII DHACAYSA OO AAN SOO NOQOD LAHAYN”, si looga nafiso is jiid-jiidka taagan waxay dad badan ku talinayan inuu Madaxweynuhu inta aan Gabalka ku dhicin inuu aqoonsado saadaasha dhabta ah ee jirta, isla markaana uu ogolaado in Dalka uu isbadal ka dhaco.

W/Q: Shiikhaalow Xasan