Madaxweyne Xasan Sh. oo qorshe farsameysan u diyaariyay Jawaari si uu mooshinka u fashiliyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay qorshe uu ku mashquulinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), taasoo ujeedkeedu yahay in guddoomiyaha farahiisa laga bixiyo inuu socodsiiyo Mooshinka laga keenay madaxweynaha.

Xasan Sheekh oo socdaal laba maalmood ah kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta ayaa haddana shalay u dhoofay dalka Talyaaniga oo la sheegay inuu uga qeyb geli doono xeritaanka Carwo caalami ah oo muddo 6 bilood ah ka socotay halkaasi.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa isu bedelaya ku-sime madaxweyne mar kasta oo dalka uu ka maqan yahay Madaxweynaha, waxaana xilligaasi ka wareegay mas’uuliyadii Baarlamaanka oo uu qabanayo ku xigeenkiisa Jeylaani Nuur Iikar oo la ogyahay inuu si weyn uga horjeedo mooshinka madaxweynaha ka yaalla.

Mashquulinta Jawaari waxay qeyb ka tahay qorshe lagu fashilinayo Mooshinka, lamana oga ilaa inta ay arrintani socon doonto inkastoo waqtigu ku sii dheeraanayo xildhibaanada doonaya inay madaxweynaha meesha ka saaraan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com