Galmudug & Puntland oo dagaal qarka u saaran

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay saan-saan colaadeed oo ay wado Maamulka Puntland.

Aweys Cali Saciid oo ah Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug oo ka hadlaayay magaalada gaalkacyo iyo xaaladeeda amaan ayaa sheegay inay la socdaan in Maamulka Puntland uu u tafa-xeydanaayo hurin colaadeed kadhan ah Maamulka Galmudug.

Aweys waxa uu sheegay in Puntland ay Ciidamo farabadan u diyaarineyso inay geyso xadka ay la wadaagto Galmudug, waxa uuna intaa raaciyay in ujeedkooda uu yahay carqaladeynta amaanka xuduuda iyo deegaanada saaran xadka.

Sidoo kale, Gudoomiyuhu waxa uu ka digay in Puntland ay ku dhiirato inay cudud Militeri u adeegsato Maamulka Galmudug hadii uu arrinkaasi dhacana ay talaabo ku haboon qaadi doonaan, islamarkaana aysan gacanta ka laaban doonin.

Dhanka kale, waxa uu ku goodiyay in dhankooduna ay Xadka ka geyn doonaan Ciidamo gaashaaman oo ka feejignaada duulaanka ay abaabulkiisu wado Pntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com