Maxaa kasoo baxay kulankii R/W CC iyo Jawaari?

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulan Madaxtooyada Somalia ku dhexmaray Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali iyo Gudoomiyaha BF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa islamarkaana laga mamnuucay Saxaafada ayaa waxa ay labadaasi Mas’uul uga wada hadleen 3 arrin oo xiligaani jahwareer ku riday Madaxtooyada Somalia.

Arrinta koowaad ayaa ah in xal laga gaaro Mooshinka lagu karantiilaayo Madaxweyne Xassan, in culeys gaar ah la saaro Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ilka-xanaf si Mooshinka loo gudbiyay uu dib dhig ugu sameyn lahaa iyo in Xildhibaanada BF gaar ahaan garabka Mooshinka kaga soo horjeeda Xassan Sheekh loo kala jabin lahaa.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa soo jeediyay in Xildhibaanada Mooshinka wada laga soo dhex xulo gudi, islamarkaana ay wada xaajood gaar ah la furaan Madaxweyne Xassan si ay uga wada hadlaan arrinta jirto iyo sida ugu macquulsan ee lagu daweyn lahaa boogta.

Ra’isul wasaaraha waxa uu sidoo kale soo jeediyay in culeyska ugu badan la saaro dhanka Gudoomiyaha Maxkamada si uusan u dadajin Mooshinka islamarkaana uu dib dhac ugu sameeyo, waxaana arrinkaasi khilaafay Jawaari.

Jawaari ayaa isagu qaba in kalsooni iyo mudnaanba lasiiyo Xildhibaanada Mooshinka ku difaacayo Madaxweyne Xassan, waxa uuna Ra’isul wasaaraha u sheegay inuu kalsooni badan ku qabo inuu hirgali doono Mooshinka Xassan lagu difaacayo.

Sidoo kale, Jawaari ayaa soo jeediyay in aragti ahaantiisa ay la wanaagsan tahay in laga tanaasulo dhinacyada Maxkamada iyo in la maslaxeeyo Xildhibaanada Mooshinka wada, waxa uuna ku gaabsaday in muhiimada ugu weyn ay tahay in la dardar galiyo Xildhibaanada Xassan garab boodaayo.

Dhanka kale, Ra’isul wasaare Cumar iyo Jawaari ayaa isku fahmay in awooda iyo Siyaasadaha la xiriira Mooshinka lagu soo koobo garabka adeecsan Xassan Sheekh ee Mooshinka ku difaacayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com