Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh oo weli sii wada kulamada uu la yeelanyo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa maanta qaabilay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub, iyadoo lagu jiro xilli adag oo xasaasi ah.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ayaa isku afgartay in la sii wado iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, mashaariicda horumarined iyo arrimaha bulshada.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay doorka uu Ururka Midowga Yurub doorka ka qaato mashaariicda horumarineed iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo sidoo kale hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda mudnaanta u leh qaranka.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa dhankeeda shaacisay in ay ka go’an tahay sii wadista wada shaqaynta dhow iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda, amniga, iyo dowlad-wanaagga Soomaaliya.
Kulankan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo uu haatan wado Madaxweynaha Soomaaliya oo wajahaya marxalad siyaasadeed oo adag, maadaama ay fashilmeen wada-hadalladii uu kula jiray kooxaha mucaaradka oo haatan ku doodayo inuu dhamaaday muddo xileedkii hay’adaha dowladda.
Madaxweynaha ayaa shalay qaabilay safiirka Turkiga Alper Aktaş, wuxuu sidoo kale maanta waraaqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti usoo magacowday Soomaaliya, Col. Cusmaan Dubbad Sugulle
Tallaabooyinkan ayaa dhaawac ku ah mowqifka mucaaradka, gaar ahaan dooddooda ku aadan in Xasan Sheekh aan wixii ka dambeeya 15-ka May loo aqoonsan karin madaxweynaha xilka haya. Hase yeeshee, kulamadan ayaa wiiqaya dadaalkaas, maadaama ay muujinayaan in waddamo kamid ah kuwa ugu saameynta badan Soomaaliya aysan weli ka fogaan Villa Somalia.

