24.4 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Taliyaha nabad-sugidda oo la wareegay madaxtooyada Galmudug ee Cadaado

Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Ciidamada Nabad suggidda Cadaado ayaa la wareegay Xarunta Madaxtooyda Galmudug ee Magaalada Cadaado kadib markii ay sheegeen inaan la siin mushaarkooda isla markaasna aysan ka bixi doonin inta laga siinayo mushaaraadkooda.

Wararka aya intaas ku daraya in Ciidamada ay hakiyeen Shaqadii ka socotay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ee Magaalada Cadaado, waxaana hoggaaminayo Taliyaha nabadsugidda Shariif oo ah nin aan inta badan ku dhaqmin aramada Madaxda Galmudug.

Ciidamada Gadoodsan ee Madaxtooyada la Wareegay ayaa la sheegay in ay ka Cabanayaan Mushaar la’aan,mana jirto wax War ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, waxaana hadda socdo wadahadal lagu doonayo in arrintaan lagu xaliyo.

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sidaan oo kale gadood u sameeyay iyagoo ka cabanaya Mushaar la’aan , hayeeshee wuxuu gadoodkaan imaanayaa xilli dhowan hogaanka Maamulka Galmudug loo doortay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Ciidamada Nabadusugidda ayaa inta badan ku awood badan Cadaado, waxayna sameeyaan ficilada ay damcaan, waxaana arrintaan ugu wacan Madaxdda Galmudug oo aan awood badan laheyn isla markaasna ay diyaarsan ciidamo ku filan amaanka Cadaado oo ah Xarunta kumeel gaarka ah ee Galmudug.

Hadda waxaa wadahadal u socdaan Madaxda Galmudug iyo Taliyaha ciidamada la wareegay Madaxtooyada Galmudug, waxaana la filayaa in saacadaha soo socdo lagu qanciyo inay ka baxaan.

Wixii warar ah ee kuso kordha waan idinla socdosiin doonaa Inshaa Allaah

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News