Imisa ciidan ayaa ka qeyb qaatay safarka Farmaajo ee Afgooye?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose tagay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa waxaa Degmada Afgooye kaga sii horeeyay ciidamo Villa Somalia looga daadgureeyay laba diyaarad, kuwaa oo laga soo dhex xulay ciidamada Milliteriga iyo NISA.

Degmada Afgooye ayaa waxaa Madaxweyne Farmaajo kaga sii hormaray ciidamo farabadan oo ka tirsan Koonfur Galbeed kuwaa oo Degmada Afgooye looga soo daadgureeyay diyaaradaha Helicobterka AMIOSM, halka qaarna lasoo mariyay dhulka.

Ciidamo farabadan ayaa lagu daadiyay dhammaan waddooyinka iyo Xaafadaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaana sidoo kale Madaxweynaha loo hakiyay dhamaan Isu socodka iyo Ganacsiga.

Guud ahaan Amaanka Madaxweynaha ayaa la xaqiijiyay inay ka qeybqaadanayaan ciidamo dhan 2,175 kuwaa oo isugu jira NISA, Boolis, Militery, AMISOM iyo Ciidamada Koonfur Galbeed.

Ciidamadaani ayaan loogu tallo galin keliya inay la socdan Madaxweynaha balse waxaa lagu daadiyay dhammaan Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose si aan halkaa looga soo tuurin Hoobiyayaal.

Axmed Muumin oo kamid ah Saraakiisha Militeriga ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa sheegay inay suuragal tahay in ciidamada ay ka badan yihiin tirada aan kor kusoo xusnay waxa uuna tilmaamay in ciidamo aad u xoogan leysugu geeyay Degmada Afgooye.

Sargaalkaani ayaa intaa ku daray in Koonfur Galbeed keliya ay soo direen Ciidamo kor u dhaafaya Shan boqol, waxa uuna tilmaamay in ciidamada ugu badan laga keenay Muqdisho.

Degmada Afgooye ayaa waxaa ku sugan Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Mas’uuliyiin aad u farabadan.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in Hogaamiyaha Koonfur Galbeed uu u dhiibo warqad isbedel dhanka amaanka ah.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET