Guddigii doorashooyinka dadban oo laga dacweeyay maxkamada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegay in Musharaxiin ku guul dareystay doorashooyinka lagu soo xulaayay Xildhibaanada ay maanta dacwad ka fureen Maxkamada sare ee dalka.

Musharaxiintaani oo gaareysa ilaa iyo Afar ayaa kamid ahaa kuwa Kuraastooda lagu buuxiyay haweenka isla markaana laga qaaday dhaqaalaha is diiwaangalinta ayaa maanta Maxkamada Sare ka dalbday in dhaqaalahooda looga soo celiyo Guddiga doorashada dadban oo uu guddoomiye ka ahaa Abuukaate Cumar Dhagey.

Musharaxiintaani laga laalay kuraastii ay u tartamayeen ayaa Maxkamada ku wargaliyay in Guddoomiyaha Guddiga uu diiday inuu usoo celiyo dhaqaalaha uga baxay diiwaangalinta.

Waxa ay sheegen in Guddoomiyaha Guddiga uu dhagaha ka fureystay isla markaana u dhigay ballanqaadyo aan fulin laheyn, waxa ayna ku baaqen in lasiiyo dhaqaalihii looga qaatay diiwaangalinta maadaama Kuraastii ay ku loolamayeen lagu buuxiyay Haweenka.

Waxa ay dacwadaado ku sheegen in Guddigii xalinta khilaafaadka iyo kan doorashooyinka ay ku lugleeyihihiin wax isdaba marinta dhacday.

Doorashooyinkii xubnaha baarlaamka aqalka hoose iyo kan aqalka sare ee ka dhacay Muqdisho, Cadaado, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar iyo Garoowe ayaa waxaa ka soo baxay tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah musharaxiinta.

Guddiga doorashada dadban ee iminka lagu furay dacwada ayaa akoonada ku shubtay dhaqaalaha ilaa 8 Musharax oo kuraasta looga qaaday Haweenka, waxaana xusid mudan in Maxkamada Sare ee dalka ay ballanqaaday inay wax muuqda ka qaban doonto kiiska.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka dalka Safar uga maqan qaar kamid ah Xubnaha Guddigii doorashooyinka dadban kuwaa oo la filaayo in looga yeeri doono Maxkmada.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET