Wadahadalkii ugu horeeyey oo Boosaaso uga socda Deni iyo Maxamuud Diyaano

Boosaaso (Caasimada Online)- Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Taliyihii uu xilka ka qaaday ee ciidanka PSF-ta Puntland Jeneraal Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa markii ugu horeysay caawa ku kulansan magaalada Boosaaso, tan iyo markii uu qarxay khilaafkooda.

Wadahadalkii ugu horeeyey oo ay isugu yimaadeen labada masuul ayaa goordhaw ka furmay Madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso, waxaana kulankaas goobjoog ah Isimada Puntland oo horay ugu howlanaa dadaalladii nabadeed ee lagu xalinayay dagaalladii ka dhacay Boosaaso.

Labada dhinac ayaan wax wadahadal iyo tanaasul ah sameyn tan iyo markii uu madaxweynaha Puntland Saciid Deni xilka ka qaaday taliyihii ciidamada PSF Jeneraal Maxamuud Diyaano.

Jeneraal Diyaano ayaa diiday inuu aqbalo xilka ka qaadistii Saciid Deni, taasi oo keentay dagaal culus oo lagu kala adkaa waayey uu ka dhaco magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyay ciidamada PSF-ta oo diidanaa xilka qaadista Taliyahooda iyo kuwo Puntland ee ka amar qaata Madaxweynaha.

Isimadda gobolka Bari oo horay go’aamo uga soo saaray khilaafka sababay gacan ka hadalka ee labada dhinac ayaa maalmihii la soo dhaafay wadahadal la furay Madaxweyne Deni.

Hadda Isimadu waxay ku guuleysteen inay si ka fool ka fool ah isu soo hor-fariisiyaan Madaxweyne Deni iyo Jeneraal Maxamuud Diyaano, si loo wadahadashiiyo.

Madaxtooyada Puntland ee Boosaaso ayaa waxaa hadda ka socda kulankii ugu horreeyey ee madaxweynaha iyo taliyiha uu xilka ka qaaday, waxaana la ogeyn waxa rasmiga ah ee labada dhinac ay ka wadahadlayaan.

Odayaasha dadaalladan garwadeenka ka ah ayaa dadaal xoog leh ku bixinaya in khilaafkaan lasoo afjaro, kulanka ayaa ah mid albaabadu u xiran yihiin oo saxaafadu ay dibad-joog ka tahay.