24.8 C
Mogadishu
Wednesday, February 11, 2026

Weerar ismiidaamin ah oo goordhow ka dhacay Gaalkacyo iyo mas’uul lagu dilay weerarka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo uu fuliyay ruux naftii halige ah.

Weerarka ayaa waxaa la sheegayaa in qasdigiisa uu ahaa Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf oo loo yaqaan Gaadayare kaasi oo weerarka ku dhintay.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale la sheegayaa inay ku dhinteen Ciidamo dhowr ah oo ilaalo u ahaa Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf, waxa uuna Qaraxa ka dhacay Xero Daraawiish.

Weerarka ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dad kale oo shacab ahaa, waxaana la tilmaamayaa in goobta Qaraxa laga qaaday ilaa 9 ruux oo Meyd ah oo ay ku jiraan Xisaabiyaha iyo Ilaaladiisa iyo ruuxii is Qarxiyay.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi ismiidaaminta.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News