Gaalkacyo (Caasimada Online) – Weerar ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo weerarka lala eegtay Hotelka Uunlaaye oo ay ku sugnaayen Xisaabiyihii Wasaaradda Maaliyada Puntland ee Gobolka Mudug Siciid Cali Yuusuf, ilaaladiisa iyo mas’uuliyiin kale.
Warar kala duwan ayaa waxa uu kasoo baxayaa qaabka uu naftii haligaha u fuliyay weerarka Ismiidaaminta ahaa.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in ruuxa ismiidaamiyay uu aroornimadii hore ee Saaka isku diyaariyay goobta uu Qaraxa ka dhacay oo aheyd Hotelka Uunlaaye, waxaana la tilmaamayaa in ruuxaasi uu isku duubay marxuumka uu qasdiga weerarka ahaa kaasi oo lagu magacaabaayay Siciid Cali Yuusuf oo loo yaqaan Gaadayare.
Guud ahan dadka dhintay ayaa kala ahaa Xisabiyaha labo kamida ilaaladiisa ruux la taagnaa ninka is qarxiyay iyo labo wiil oo baalash layaal ah laamaha amaanka ayaa goobta baaritaan ka wada waxaana jira dad loo qab qabtay qaraxaan.
Ruuxa ismiidaamiyay oo qeybo kamid ah jirkiisa lagu arkay Goobta ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa dadka deegaanka ku ah magaalada Gaalkacyo, waxaana lasoo warinayaa in Ciidamada qaar ay aqoonsadeen muuqaalkiisa.
Warar aan la xaqiijin ayaa intaas ku daraya in dadka dhintay ay ka mid yihiin dad kale oo la yaqaan oo xilal soo qabtay, inkastoo aanan magacyadooda wali la xaqiijin.
Goobta ayaa waxaa hadda ku sugan Saraakiil iyo Ciidamo aad u farabadan oo ay wehlinayaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka kuwaasi oo ku biiray baaritaanka socda.
Xaalada ayaa ah mid degan, waxaana goobtaasi laga mamnuucay gabi ahaan dadka shacabka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

