Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay Hoteel Posh oo ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Weerarkaani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah, waxaana xiligaa ku dhex caweynaayay rag iyo dumar.
Gaariga ayaa waxaa lagu dhuftay iridka hore ee Hoteel Posh, waxaana xiligaa banaanka sare ee Hoteelka dhoobnaa ciidamo aad u farabadan oo ilaalo u ahaa mas’uuliyiin gudaha ugu jiray Hoteelka.
Rasaas xoogan ayaa waxaa laga maqlayaa gudaha iyo banaanka sare ee Hoteelka, waxaana xiran dhamaan waddooyinka gala Hoteelka iyo kuwa ka baxa.
Sidoo kale Hoteelka Caawa la weeraray ayaa waxaa ka shaqeeya Shaqaale kasoo jeeda dalka Ethiopia.
Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa ka dhashay Qaraxa waxaana la ogeyn heerka uu khasaaraha gaarsiisan yahay.
Dhinaca kale, waxaa socda dadaalo lagu badbaadinaayo dadka ku jira gudaha Hoteelka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]