Weerar ismiidaamin ah oo lagu galay Hotel ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu iminka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, kaasi oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka.

Qaraxa kadib ayaa waxaa dhacay rasaas xoogan waxaana la maqlayaa jug iyo rasaas wada socta.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in weerarka uu yahay mid ismiidaamin ah oo lagu galay Hoteel Naasa-hablood qeybtiisa ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4 ee degmada hodan

Si rasmi ah looma oga khasaaraha waxaana lasoo sheegayaa in gudaha Hoteelka ay galeen dabley hubeysan islamarkaana gudaha Hoteelka uu ka socdo dagaal.

La soco wixii kasoo baxa wararkeena danbe