Sawirro: Qarax 2aad oo dhacay iyo dagaal ka socda N/Hablood

Muqdisho (Caasimada Online) – Rasaas xoogan ayaa ka dhex socta gudaha Hoteel Naasa-hablood qeybtiisa ku yaalla agagaarka Isgoyska KM4 ee degmada hodan.

Gudaha Hoteelka ayaa waxaa galay maleeshiyaad ku hubeysan qoryaha A47, Bambooyin iyo Hub kale, waxaana lasoo warinayaa in gudaha Hoteelka laga maqlaayo qeyla dhaan iyo rasaas leys weydaarsanaayo.

Hoteelka ayaa waxaa iminka ku hareersan ciidamada dowlada gaar ahaan kuwa NISA ee loo yaqaan gaashaan waxa ayna isku dayayaan in gudaha ay u galaan Hoteelka inkastoo ay madaxa galin la’ yihiin Hoteelka.

Maleeshiyaadka ayaa dariishadaha Hoteelka kasoo tuur-tuuraya Bam gacmeedyo is xigxiga waxaana gudaha Hoteelka ka dhex socda toogasho.

Waxaa xiran dhamaan wadooyinka gala Hoteelka waxaana lasoo warinayaa in Hoteelka uu deegaan u ahaa Wasiiro, Xildhibaano iyo Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradaha Xukuumada.

Dowlada Somalia wali kama aysan hadal weerarka waxa ayna ciidamadeeda isugu geyneysaa Hoteelka si ay maleeshiyada uga saaran Hoteelka.

Dhanka kale, waxaa goordhow dhacay Qarax labaad kaasi oo la sheegay in isla Hoteelka uu ka dhacay.

Sawirrada waxaa meel yara fog ka qaaday aqriste ku dhow goobta una soo diray Caasimada Online

IMG-20160625-WA0000 (1)IMG-20160625-WA0000

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com