Sawirro: Meydad hor-dhooban Hotel Naasa-hablood iyo qarax…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hordhac ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khasaaraha ka dhacay weerarkii hore ee ismiidaaminta ahaa kaasi oo ka dhacay afafka hore ee Hoteel Naasa-hablood.

Goobjooge ku sugan meel aan sidaa uga sii fogeyn Hoteelka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in afafka hore ee Hoteelka iminka yaalaan Meydad farabadan oo u badan dadkii ku ganacsanaayay eeryada Hoteelka iyo dad shacab ah oo Hoteelka ku hormaraayay socod.

Goobjoogaha ayaa sheegay in weerarka hore ay ku dhinteen ugu yaraan 7 qof kuwaasi oo meydadkooda ay dhooban yihiin irdaha iyo hareeraha Hoteelka.

Goobjoogaha waxa uu sidoo kale sheegay in indhihiisa uu ku arkay dhaawaca 10 qof oo ay daldalayaan dadka shacabka iyo gaadiidka gurmadka, kuwaasi oo u badnaa kuwo ku ag ganacsanaayay hareeraha Hoteelka iyo arday kasoo baxday Jaamacadaha ku yaal agagaarka Hoteelka.

Dagaalka ayaa wali ka dhex socda gudaha Hoteelka waxaana Hoteelka deegaan ku ahaa Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowlada.

Jawiga Degmada Hodan ayaa kacsan waxa ayna Ciidamada madaxa galin la’ yihiin Hoteelka, halka maleeshiyaadka ku dhex jira Hoteelka ay soo tuurayaan Bam Gacmeedyo iyo rasaas xoogan.

Ma jirto wax war ah oo wali kasoo baxay Hay’daha amaanka Dowlada, waxaana wali socda Dagaalka.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkeena danbe
1
YY1

YY2

YY3

YY4

YY5