Burci Xamza iyo 17 lagu dilay weerarka iyo toogasho socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa waxa ay wali ka dhex socdaan gudaha hotel-ka Naasa Hablood 1 ee magaalada muqdisho.

Qaraxyada ayaa isugu jira kuwo loo adeegsanaayo Bamgacmeedyo iyo kuwo ismiidaamin ah, waxaana densan gabi ahaan leyrarka Hoteelka.

Gudaha Hoteelka ayaa waxaa laga dhex maqlayaa rasaas iyo codad u badan Ash-haatanka oo ay ku qeylinayaan dadkii ku dhex jiray Hoteelka oo u badnaa Siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo nasiin ujoogay Hoteelka.

Gudaha Hoteelka ayaa ah mugdi waxaana la kala garan la’ yahay midka cadowga iyo kan u baahan in la badbaadiyo, inkastoo ciidamada dowlada ay wadaan dadaalo ay dariishadaha uga galayaan Hoteelka.

Hoteelka ayaa waxaa weeraray ilaa 4 maleeshiyo oo laba kamid ah xambaarsanaa Boorsooyinka garabka lagu qaato oo loo badinaayo inay ku jireen sahay, rasaas iyo Bamgacmeedyo, halka labada kale ay wateen qoryahooda iyo caagado la sheegay inay ku jireen biyo.

Gudaha Hoteelka ayaa waxaa ku jiray ilaa Seddex Wasiir ku xigeen, Agaasimayaal, Siyaasiyiin ka tirsan Xisbiyada dalka iyo Xildhibaano isugu jira kuwo hore iyo kuwa hadda ka tirsan Baarlamaanka sii dhacaaya.

Waxaa kamid ah Mas’uuliyiinta Dowladaha uga dhintay weerarka Burci Mohamed Hamza oo ah Wasiiru Dowle ka tirsan Xukuumada Somalia, waxa ayna dhimashadu mareysaa 17 oo isugu jira Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Hoteelka ayaa xiliga la weeraraayay waxaa degnaa inta u dhexeysa 40 ilaa 60 ruux oo mas’uuliyiin u badan, kuwaasi oo xiliga weerarka ahaa kuwa jiifay iyo kuwo nasiin u fadhiyay barxada Hoteelka.

Dhanka kale, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ku jiraan mas’uuliyiin kale oo caan ah balse aan wali la shaacin magacyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com