Muxuu Jawaari ka yiri 2-da arrin ee lagu xumanayey maalmahan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa iska fogeeyay wararka sheegay inuu taageersan yahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh.

Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in cid gaar ah uusan xiligaani taageersaneyn, waxa uuna ku baaqay in dadka aaminsan in taageero u yahay uu ogaado inaanu jirin xiriir iyo taageerinimo gaar ah uu u hayo Xassan.

Waxa uu cod dheer ku sheegay in dhex dhexaad uu ka yahay siyaasada Somalia, balse uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo cid waliba oo Qaranka u hiilineysa.

Jawaari waxa uu tilmaamay in sababta uu ugu dhowyahay Xassan Sheekh ay tahay xilka qaran ee uu hayo, taasina aysan ka turjumi karin in taageero gaar ah u muujiyo Xassan.

Geesta kale, Mr Jawaari ayaa dalbaday in leyska saaro fakirka ah in dhinac uu ka yahay siyaasada Somalia, isaga oo ballanqaaday in cid waliba uu sidaa ookale ula shaqeyn doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com