Xog: Michael Keating oo 2 arrin uga digay madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah QM u qaabilsan arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa kulan aan caadi aheyn gabagabada shirka kadib magaalada Baydhabo kula qaatay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Mr Michael Keating, ayaa Xassan Sheekh kala hadlay arrimaha doorashada iyo Guddiga sida hoos iska taabadka ah loo soo xulay si doorashada ay u hagaan kaasi oo markii danbe ay laaleen Madaxda maamulada iyo Beesha Caalamka.

Michael Keating, ayaa Xassan Sheekh u sheegay in Beesha Caalamka ay tixgalineyso aragtidiisa balse haddii mar danbe uu soo dhiso guddi doorasho oo aan cuntameynin ay iyaga la wareegi doonaan dhismaha guddiga doorashada.

Qodobka labaad ee uu Michael Keating kaga digay Xassan Sheekh, ayaa la sheegay inuu yahay Odayaasha iyo maamulada lagu cadaadinaayo in isaga ay usoo xulaan Xildhibaanada cusub si ay usiiyan codadkooda.

Michael Keating, waxa uu sheegay in wakhtiga harsan uusan u saamaxeynin inay muujiyaan sabar ka badan kan iminka ay sameynayaan, waxa uuna ku baaqay in muddo 2 asbuuc gudahooda lagu dhameystiro howlaha ugu adag ee horyaal labada Gole DF.

Dhanka kale,Michael Keating ayaa Xassan u ballanqaaday inuu la xalin doono caqabadaha adag ee ka hor imaankara maslaxada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com