EXCLUSIVE: Caasimada Online oo heshay jadwalka doorashada

Baydhaba (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay shirkii madasha oo muddo laba casho ah ka socday magaalada Baydhabo.

Waxaa shirka lagu waday in shalay lasoo gaba-gabeeyo ayaa dib u dhacay, kaddib markii ay ku kala kaceen shirka Madaxda Soomaalida, Lakiinse kulammo Xalay oo dhan socday ayaa lagu dhameeyay Qodobbadii isku khilaafsanaa oo dhan.

Waxaa lagu heshiiyay ee hirgelinga doorashada Hey’addaha dowladda iyo Madaxda qaranka oo qorshuhu yahay in la qabto bilaha Agosto iyo September ee sanadkan.

Madaxda Madasha ayaa isku raaciyay in 135 oday ee horay u soo xulay Baarlamaanka, hadda jira ay soo xulaan midka cusub, isla markaana la isla gartay in xubnihii dhintay lagu bedelo kuwo cusub.

Waxaa kaloo la isku afgartay miisaaniyada ku bixi doonta doorashooyinka oo ka dhici doonta magaalooyinka maamul goboleedyada, halkaasoo laga soo xulayo Xildhibaanada.

Waxaa madasha sidoo kale ay isku raaceen jadwalka doorashooyinka dhacaya, kaasi oo Caasimada Online ay si gaar ah u heshay.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/06/06252108337Timelinefor2016.pdf” width=”700″ height=”1300″]