Sheekh Shariif oo Muqdisho soo geliyey lacag badan + Qorshaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Ololaha Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si xooli ah uga socda magaalada muqdisho ee Caasimada Somalia.

Ololaha Sheekh Shariif ayaa waxaa isku biirsaday Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin xilal ka heysa labada gole ee dalka, Odayaal, Aqoonyahaano iyo waxgarad kuwaasi oo iska kaashanaaya sidii lagu soo celin lahaa Sheekh Shariif.

Siyaasiyiinta wada Ololaha ayaa ku dhex milantay qaar kamid ah Xildhibaanada hadda jira ee lafilaayo in mar kale ay soo laabtaan si ay uga shaqeeyaan siyaasada suuragalin karta in Shariif uu mar kale soo laabto.

Siyaasiyiintaani oo wakiil u ah Sheekh Shariif ayaa sidoo kale Odayaasha ka dhaadhicinaaya inay soo xulaan shaqsiyaad dhanka Sheekh Sariif ah, bedalkii Xasan Sheekh uu ku mashquulay guddi doorasho iyo waxyaabo la mid ah.

Sidoo kale, Sheekh Shariif ayaa magaalada soo galshay dhaqaale aad u culus oo loogu tallo galay in loo adeegsado howlaha doorashada si loo kala furfuro siyaasada dalka.

Dhanka kale, Beesha Caalamka ayaa qaati ka taagan Xassan Sheekh waxaana soo ifbaxaaya xogo sheegaya in bedelkiisa la taageeray Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com