Xamza oo magacaabay xilkii uu banneeyay Maxamed Zubeyr iyo dhowr xilal oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay Kamaaludiin Daahir Xasan Guutaale inuu noqdo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale wuxuu u magacaabay Cabdirisaaq Cali Ibraahim inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Mahad Maxamed Cumar ayuu sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaraha u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabistan ayaa imaneysa maalmo kadib markii uu xoghayihii joogtada ahaa ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Abuukar Zubeyr uu banneeyay jagadaasi oo uu iska casilay, isaga oo qoraal dheer oo shaqo ka tegis ah u diray ra’iisal wasaare Xamza.

Maxamed Zubeyr ayaa xitaa is-casilaaddiisa kahor la rumeysnaa in aanu awood buuxda ku lahayn xafiiska, ayada oo ra’iisul wasaaraha ay ku hareereysan yihiin la-taliyeyaal badan oo awood leh, taasi oo jahwareer ku haysa xafiiska.

Sida aan horey u baahinayna wax iska cad ayey aheyd in xilka Xoghayaha Joogtada uu Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha u waday Kamaal Xasan Guutaale, oo ka mid ahaa la-taliyayaasha tirada badan ee ra’iisal wasaaraha.