25.5 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

QM oo war kasoo saartay heshiiska SOMALILAND iyo ITOOBIYA shaacisayna in…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres ayaa kala hadlay xaaladda gobolka iyo xasillooni darrada ay abuurayso damaca iyo xadgudubka Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida iyo gobanimada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay aragtida iyo siyaasada dowladda federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam, taas oo ay barbar socoto in dadka iyo dowladda Soomaaliya aysan aqbalayn in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Dhinaca kale, Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe ayaa ka hadlay is-afgaradka ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya, kaasi oo ay si aad ah ay uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Is-afgaradkan ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.” Itoobiya weli ma xaqiijin inay aqoonsaneyso Somaliland, balse waxay sheegtay inay darsi doonto sidii ay arrintaas mowqif uga qaadan laheyd.

Stephane Dujarric, afhayeenka xoghayaha guud ee QM, oo weriyayaasha ay maanta wax ka weydiiyeen arrintan, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee QM António Guterres uu khadka taleefonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxa uu tixgeliyey walaaca Soomaaliya ee ku aaddan Is-afgaradkii Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Itoobiya iyo “Somaliland” ee lagu dhawaaqay 1-dii Janaayo.”

”Xoghayaha Guud waxa uu dib u xusay in Golaha Ammaanku uu si joogto ah u caddeeyay ixtiraamka uu u hayo madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka QM Stephane Dujarric.

“Xoghayaha guud waxa uu rajaynayaa in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan wadahadal nabadeed oo wax ku ool ah si ay uga fogaadaan fal kasta oo xaaladda uga sii dari kara,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News