Shacabka Muqdisho oo berri taariikh cusub dhigaya iyo DF oo wada abaabul culus (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Khamiista berri waxaa lagu balansan yahay inuu Muqdisho ka dhaco banaanbax dadweyne kii ugu cuslaa oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, waxaan banaanbaxaas iclaamisay oo hoggaamineysa dowladda federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada XFS ayaa shir gudoomiyay kulan caawa uu yeeshay Guddiga qabanqaabada Banaanbaxa “Difaaca Gobonimada Dalka” kadib damacii Itoobiya ee doonista Baddeena.

Guddiga oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Arimaha Gudaha, Warfaafinta, Dhalinyarada, Amniga, Taliyaha Booliska, maamulka gobolka Banaadir, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha iyo masuuliyiin kale ayaa looga arrinsaday Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhici doona guud ahaan dalka, gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Inta uu shirku Socday waxaa diirada lagu saarayay sidii looga tashan lahaa qaabka uu u dhacayo Banaanbaxa ay Bulshada Soomaaliyeed dareenkooda ku cabiraan.

“Ujeedka Banaanbaxan oo beri ka dhicidoona Caasimada, ayaa ah diidmada gardarada Dowlada Itoobiya ee Damaca Badda, oo heshiis is afgarad  xaaraan ah lagashay Maamulka Soomaaliland kaasi oo ah damac baalmarsan Gobonimada iyo Midnimada dhuleed ee Jahmhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliyeed, Qaraarada Gobolka iyo Qaanuunka Dowliga ah,” ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray kulanka guddiga.

Dhinaca kale, Xiriirka Guud ee Ururada Shaqaalaha Dowladda ayaa ku baaqay in aan loo kala harin banaanbaxa Khamiista berri ka dhacaya Muqdisho.

“Ururka shaqaalaha dowladda wuxuu soo dhaaweeyanaa, una diyaarsan yahay ka qeyb galka banaanbaxa weyn ee Khamiista looga dhawaaqay Muqdisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Xiriirka.

Dhamaan shaqaalaha dowladda ayaa qoraalkaan looga codsaday inay ka soo qeyb galaan banaanbaxa berri, si loo muujiyo dareenka dadka Soomaaliyeed, loona muujiyo xadgudubka Itoobiya ay ku kacday.

Sidoo kale wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee XFS ayaa caawa soo saartay qoraal ay shaqaalaha dowladda ku fareyso inay ka soo qeyb galaan banaanbaxa Muqdisho ka dhacaya Khamiista berri.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shaacisay in goobaha ugu muhiimsan ee la isugu imaanayo ay ugu horeyso taallada Daljirka Daahaoon ee degmada Boondheere, sidoo kale wadooyinka waaweyn ee caasimadda ayaa laga dalbada dadweynaha inay soo camiraan.

Caasimadda dalka waxaa laga dareemayaa diyaar garow xoog leh oo ku saabsan banaanbaxa ka dhacaya Muqdisho ayaa la dareemayaa caawa, waxaana suuqyada laga iibsanayaa calanka Jamhuuriyadda.