Xeer ilaaliyihii qaranka oo amray in la soo xiro Faarax Sheekh Cabdul Qaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – War nasoo gaaray, ayaa sheegaya in Xeer ilaaliyahii guud ee qaranka Soomaaliya Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, ee xilka laga qaaday uu amray in lasoo xiro wasiirka dastuurka Faarax Cabdul Qaadir.

Faarax Sheekh C/Qaadir, ayaa jimcihi xilka ka qaaday Cabdul Qaadir Maxamed, ayada oo sidoo kalena uu maanta ku raacay madaxweyne Xasan Sheekh. Faarax ayaa xeer ilaaliyaha cusub ee qaranka u magacaabay mudane Axmed Cali Daahir.

Si kastaba Cabdul Qaadir Maxamed Muuse, waxa uu sheegay in xil qaadista lagu sammeeyey ay tahay mid sharci darro ah, islamarkaana Faarax uu fowdo ka wado Somalia.

Wuxuu xeer ilaaliyaha sheegay inay xilka qaadis ku sameeyn karaan kaliya gudigga garsoorka ee Caydiid Ilka Xanaf u madax yahay, sidaa darteedna Faarax C/qaadir uusan xil ka qaadi Karin.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa sidoo kale muujineysa in xil ka qaadis ay sidoo kale kusoo socoto Ceydiid Ilka Xanaf, oo ah guddoomiyaha maxkamadda sare.

Cabdul Qaadir Maxamed Muuse iyo Ceydiid Ilka Xanaf, ayaa si aad ah uga horyimid is-beddeladii dastuur ee uu sammeeyey Faarax Cabdul Qaadir, oo ay u arkeen kuwa loogu tala galay in ayaga meesha looga saaro.

Si kastaba, amarka C/qaadir Muuse ee ah in lasoo xiro Faarax, ayaan la ogeyn sida taasi ku dhici karto, maadaama aan ognahay awoodda Faarax uu ku dhex lee yahay dowladda Somalia.