Sawirro: Wafdi ka socda Khaatumo oo u goostay dhinaca maamulka P/land

Garoowe (Caasimada Online)-Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa gaaray wafdi ballaaran oo ka socda maamulka Khaatumo State.

Wafdigan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo State.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu hor kacaayay madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Xaaji Cameey, waxaana markii dambe ay la kulmeen madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

1

Wafdigan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo State.
Wafdigan oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ayaa waxaa hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo State.

IMG_4050

IMG_4062

IMG_4068Kulanka kaddib waxaa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay madaxweynaha Puntland iyo Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan wafdiga ka yimid dhinaca Khaatumo kuwaasoo hadda ku soo biiray maamulkiisa, wuxuuna intaas ku daray in Garaadka uu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay maamulka Puntland balse Khaatumo u aaday markii wax ka tabtay maamulkii hore ee Faroole.

Madaxweyne Gaas ayaa xusay in dhammaan waxyaabihii uu saluugsanaa Garaadka in la xaliyay.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo isna hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweenaayo qaabka loogu soo dhaweeyay Garoowe, wuxuuna intaas ku daray in wax Khaatumo la dhaho aaney jirin oo maamulkaas uu burburay.

Garaadka ayaa yiri “Annaga ayaa u dambeenay oo hadda ku soo biiray Puntland oo aan hadda ka tirsanahay”

Haddaba waxaa la aaminsan yahay arrintan ku saabsan burburka maamulka Khaatumo in ay faa’ido ugu jirto maamulada Puntland iyo Somaliland maadama ay u ahayd xudun meelaha ay isku heestaan labadaas maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com