Dagaallo culus oo dib uga dhex qarxay beelaha HABAR-GIDIR iyo BIYO-MAAL

Afgooye (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka N50 ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceyn dagaallo xooggan oo u dhexeeya maleeshiyaad kaal taageersan beelaha Biyo Maal iyo Habar-Gidir.

Dagaalka ayaa xaley dhacay waxaana la isku adeegsaday hub culus sidda ay lee yihiin dadka deeganka.

Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay balse waxaa la lee yahay waxaa jirra khasaaro waa ay ka dhasheen dagaallada.

Labada dhinac ay ee ku daggaallamay deegaanka Lambar 50 ayaa la sheegay in ay magaalada ka maqan yihiin waxaana ay ku kala sugan yihiin hareeraha magaalada.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in deeganka uu ka billowday barakac aad u ballaaran oo dadka ayaa u ciirsanaya deegannada kale eek u yaalla gobalka.

Dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa daba socda dagaallo soo noq-noqday oo ka dhacay gobalka kuwaasoo u dhexeeya beelaha Biyo-Maal iyo Habar-gidir.

Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan isku dayday in ay joojiso dagaallada ku soo noqnoqday gobalka Shabeellaha Hoose balse waxay u muuqataa mid ku guul-darreesatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com