Qaran-jab: Xasan Sheekh oo nin usoo shaqeeyey Ethiopia u dhiibay xil qiimo weyn u leh Somalia (Maxaa noo haray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa ogaatay in ninka uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay inuu noqdo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia, Axmed Cali Dahir uu ahaan jiray guddoomiyihii Maxkamadda sare ee deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Sida ku cad taariikh nololeedkiisa, Axmed Cali Daahir, 1996-kii wuxuu noqday ku xigeenka maxkamadda sare ee killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya. 1997-1999, wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee deegaanka Soomalida dalka Itoobiya.

Ninkan ayaa waxaa marka hore soo gudbiyey wasiirka dastuurka Faarax C/Qaadir, oo jimcihii hor-geeyey golaha wasiirada, kadibna ku qasbay madaxweyne Xasan Sheekh inuu magacaabo.

Dowladda Ethiopia oo si aad ah ugu xiran Faarax C/Qaadir, lana sheegay inay ninkan wadato, ayaa Faarax C/qaadir ka dhaadhcisay inuu Xasan Sheekh ka dhammeeyo magacaabista.

Waa arrin yaab leh, in Xeer ilaaliyaha dhan ee Qaranka Somalia loo magacaabo nin lasoo shaqeeyey dalka Ethiopia iyo inuu jago heerkaas gaarsiisan ka helo Somalia.

Waxaa xusid mudan in la is-weydiiyo inta uu la eg yahay xiriirka ninkan iyo xukuumadda Addis-Ababa?

Xukumadda Ethiopia, waxa ay horey ugu dhex lahayd dowladda Somalia shaqsiyaad badan, waxaana ka mid ah wasiirada Gaashaandhiga, Dastuurka iyo madaxa Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Somalia.

Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Somalia ayaa si kooban loo qoray hase yeeshee ,waxaan sidoo kale idiin soo gudbineynaa taariikh nololeedka ninka loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia.

1. Laga billaabbo 26-07-214, waxaa xilka laga qaaday xeer illaaliyihii guud ee hore, Cabdulqaadir Maxamed Muuse, waxaanu ansixiyay madaxweynuhu magcaabista Avv. Axmed Cali Daahir oo noqonaya xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

2. Waxaa xeerka uu dhaqan-galayaa markuu madaxweynaha saxiixo, waxaa lagu soo daabici doona faafinta rasmiga dowladda.
Taariikh nololeedka Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka:

Avv. Axmed Cali Daahir wuxuu ku dhashay degmada Doloow, sannadkii 1965-kii. Wuxuu dugsiga sare ka baxay 15-kii May 1983-kii

Wuxuu cilmiga sharciga ka bartay jaamacaddii Ummadda Somaaliyeed intii u dhexeysay 1984-kii illaa 1988-kii. Isagoo cilmi-kororsi dheeraad ah sameeyay.

1989-kii illaa 1990-kii wuxuu ahaa ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

1996-kii wuxuu noqday ku xigeenka maxkamadda sare ee killilka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

1997-1999, wuxuu noqday guddoomiyaha maxkamadda sare ee deegaanka Soomalida dalka Itoobiya.

2003-2005 wuxuu noqday guddoomiyaha jaaliyadda Soomaaliyeed gobolka Seattle ee dalka Mareykanka.

2006-2008 wuxuu noqday madaxa ururka Soomaalida gobolka Arizona ee dalka Mareykanka.

2008-2011 wuxuu noqday madaxa hay’adda Xarunta Islaamiga ah ee Al-Raxma ee gobolka Phoenix ee dalka Mareykanka.

2011-kii wuxuu ahaa madaxa sharciga iyo xallinta ee guddiga Imaamyada Soomaaliyeed ee dalka