XOG: CALI Khaliif Galayr oo isku dhiibi raba maamul goboleedka PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Warar la isku haleen karo oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in xildhibaan Cali Khaliif Galeyr uu ku dhow yahay in uu isku dhiibo maamulka gobaleedka Puntland, kaddib markii uu fashil la soo darsay maamulkii Khaatumo State oo noqday wax ku biiray Somaliland iyo Puntland iyo wax u cararay Muqdisho.

Cali Khaliif Galeyr iyo xubno ka tirsan maamulka Khaatumo State ayaa tan iyo markii laga soo saaray magaalada Taleex oo ay ku qaban lahaayeen shirweyne waxay dhuumaaleysi ku joogeen goballada Sool iyo Sanaag.

Ilaha aan warkan ka soo xiganay ayaa sheegaya in ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo hadda ka mid ah xubnaha baarlamaanka laga sugaayay magaalada Garoowe oo uu soo gaaro balse uu dib ugu laabtay deeganno ku dhow Taleex.

Waxaa muuqata in uu jirro wadahadal u socda Cali Khaliif iyo maamulka Puntladn, maadama maamulkii Khaatumo xaruntooda Taleex ay qabsadeen ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland, waxaana ay u muuqataa in Khaatumo ay naf ka raadsatay Puntland.

Waxaa kaloo warkan xoojinaya wafdi shaley tagay magaalada Garoowe kuwaasoo uu hoggaaminaayay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ahaa salaadiintii wax ka dhisay maamulka Khaatumo.

Garaadka ayaa tilmaamay in maamulka Khaatumo uu burburay oo wax khaatumo la dhaho aaney jirin.

Hadlakaas uu sheegay Garaadka waxaa ka muuqda in Khaatumo ay u kala jabtay labo oo ay ku kala biireen Somaliland iyo Puntland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland iyo Cali Khaliif Galeyr oo ku aadan warkan oo ah mid hadda uun soo shaacbaxay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Taleex

Caasimada@live.com