Xog: Khaliif Erag oo qashinka ku daray warqado uga yimid Gen. Muungaab

Muqdisho (Caasimada Online)– Ilo wareedyo ka kala tirsan Laamaha Ammaanka iyo Gobolka Banaadir, ayaa inoo xaqiijiyay in Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Khaliif Erag uu lid ku yahay xal u helida Ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wararka aya sheegaya in Khaliif Erag uu diidan yahay in Ciidamada Wasaaradiisa uu hoos geeyo Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la tilmaamayaa in warqado dhowr jeer uga imaaday dhanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu qashinka ku daray.

Ilo wareedka ayaa xaquujinaayo in Khaliiif Erag uu ka faanayo inuu Arrimaha Amniga Muqdisho kala tashto Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mungaab.

Wasiir Erag oo Afar maalin ka hor lagu amray in Ciidamada Wasaaradiisu uu ku biiriyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa la sheegayaa inuu ka dhaga adeegay, isagoona ka meer meerayo sharciyada uu dajiyay Madaxweyne Xassan.

Dhawaan ayay aheyd markii Warqad kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaare C/Weli lagu faray Wasiir Erag inuu Ciidamada hoos geeyo Maamulka Gobolka Banaadir, balse Erag uu ka dhaga adeegay taasina ay caro ku beertay maamulka gobolka oo iyaguna sheegay inaysan qaadeynin talaabo lagu xaqiijinaayo Ammaanka illaa Ciidamada laga hoos keeno, islamarkaana aan wax laga weydiin karin xaaladda amni ee Xamar.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com