AMISOM oo mas’uuliyiin ka tirsan DFS ku bahdilay garoonka AADAN CADDE

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka cabanaya hab dhaqan aan fiicneen oo uu ku arkay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee waardiyeeya garoonka diyaaradaha Muqdisho ay kula dhaqmaan xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta dowladda hab dhaqan aan fiicneen.

Prof Dala ayaa sheegay adigoo mas’uul dowladeed marka aad u baahato in aado garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa ku dhibaya ciidanka AMISOM ee halkaas ku sugan, waxaana ay lee yihiin maxaa naga quseeya mas’uuliyada aad sheegato

“Ciidamada AMISOM in kastoo ay howllo ballaaran oo ku aadan xagga kala dambeynta ay ku lee yihiin dalka balse ciidamada ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan albaabka laga galaayo waxay mas’uuliyiinta dowladda kula dhaqaaqaan hab dhaqan aan fiicneen oo anniga ayaaba dhowr goob u ahaa arrintaas” ayuu yiri Dalxa.

Xildhibaan Dalxa ayaa yiri marka aad ku dhahdo maxaa siddan oo dhan iigu galeysa annigoo ah xildhibaan ama mas’uul dowladeed waxaa jawaab lagugu badalayaa “Makala Jecli mas’uuliyadda aad heyso, adiga waxbo ima siisid maxaad isiisaa adiga”

Xildhibaanka waxaa kaloo uu sheegay marka xittaa AMISOM ay u sheegeen saraakiisha ama askarta dowladda ee waardiyeeya garoonka diyaaradaha qofka waa mas’uul dowladeed waxboo lagama soo qaadayo hadalkaas oo cid ku deeneysa ma lahan oo waxaa lagu sii deyn karaa uun marka uu la hadlay askari kale oo ah AMISOM ayuu yiri.

Si kastaba, hadda ka hor ayaa ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay diyaarad ka reebeen taliyihii hore ee ciidanka booliska Jeneraal Saacid kaasoo diyaarad uu u raaci lahaa Gaalkacyo lagu amray in la baaro balse isaga ayaa ka dhagga adeegay amarkaas waxaana markii dambe lagu reebay garoonka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com