Axmed Madoobe oo war naxdin badan laga soo sheegay (Muxuu sameeyey?)

Kismaayo (Caasimada Online)– Sargaal ka soo goostay Maleeshiyaadka Raaskambooni ee Axmed Madoobe ayaa xaqiijiyay in Hoggaamiyaha Kooxda uu ku kaco falal argagax leh.

Sargaalka oo lagu magacaabo Aadan Cabdalla, ayaa inoo xaqiijiyay in Axmed Madoobe uu adeegsado Awoodo ciidan, islamarkaana Ciidamada kula dhaqmo si ka baxsan Diinta iyo dadnimada.

Waxa uu Tilmaamay in Ciidamo gaaraya 17, oo kusoo tababartay Dalka Kenya uu qaarkood nolosha ku aasay.

“Axmed Madoobe waa nin adag oo aan laheyn il naxda, waxa uu dhawaan Nolosha ku aasay Ciidamo isaga Khilaafay oo uu kusoo tababaray Dalka Kenya, waxa uu ugu yeeray kulan  kadibna waxaa Seddex maalin kadib laga war helay inuu Nolosha ku aasay iyaga oo bad-qaba’’ ayuu yiri Sargaal Aadan Cabdalla.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Askarta ka bad-baaday Aaska ay iminka u goosteen dhanka Col. Barre Hiiraale, kadib markii uu iyaguna damcay inuu marsiiyo halkii uu marsiiyay Askartii kale.

Axmed Madoobe oo ka tirsanaa Jabhadihii ku dhuumaleysan jiray Howdka Kismaayo, ayaa waxa uu hadda ku dhaqmaa nidaam adag oo gaarsiisan heer uu Nolosha ku aaso Ciidamada uu u arko inay halis ku yihiin Ammaankiisa, mana jirto cid arrintaasi ka hadasha.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

caasimada@live.com