Muungaab iyo baabuurkiisa oo qarax lala helay iyo warar sheegaya in uu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaarayo Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa sheegaya in goor dhow halkaasi Qarax lagula eegtay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab” iyo Mas’uuliyiin la soctay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan lala bartilmaameystay Guddoomiyaha Xilli uu kusii jeeday Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Illo Xog-ogaal ah oo ka tirsan Mas’uuliyiintii la socday Guddoomiyaha ayaa inoo xaqiijiyay in Qarax uu ahaa Miino loo dhigay Gaariga uu saarnaa Guddoomiyaha xili uu marayey Xaafada Siisii ee Degmada Yaaqshiid Gobolka Banaadir.

Waxaa la tilmaamayaan in Qaraxa uu Khasaaro kasoo gaaray Ciidamo la socday Guddoomiyaha, wallow aan wali si rasmi ah loo xaqiijin halka uu gaarsiisan yahay Khasaaraha soo kala gaaray Ciidamada isaga uu watay iyo dad shacab ahaa oo halkaasi ku sugnaa.

Warar horu dhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso islamarkaana laga hago Ramuud Kontoroolka, waxaana Qaraxa uu Haleelay Qeybta Hore ee Gaariga uu saarnaa Mungaab.

Qaraxa ayaa waxaa Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa Muqdisho loo dhigay Xili Afur  ah oo Gudoomiyaha uu ku siijeeday Degmada Hiliwaa si uu halkaasi uga afuro.

Weli Saraakiisha iyo Maamulka Gobolka Banaadir kama aysan hadlin Weerarka lagu Khaarijin lahaa Mungaab, balse waxaa la filayaa in goor dhow uu war kasoo baxo Maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com