Dagaalka Habar Gidir iyo Biyo-Maal oo isku beddelay waji cusub oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Nuur Maxamed Siidii ayaa xaqiijiyay in dagaalka dib uga qarxay beelaha Habar-gidir iyo Biyo Maal ay ku lug lee yihiin maamulada Shabeelle State iyo Koonfur galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dagaalka Shabeellaha Hoose uu hadda noqday mid siyaasadeesan oo ay ku soo biireen dhinacyo kale oo aan ahayn beelaha dagaallamaya.

Guddoomiye Siidii ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda ay wafdi culus u soo dirtay gobalka Shabeellaha Hoose is loo joojiyo dagaalka beelaha Habar-Gidir iyo Biyo-Maal, wuxuuna intaas ku daray in hadda dalkaa u waji kale isku badalay

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose ayaa ka warbixiyay khasaarihii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda gobalka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay in 20 qof uu badan dhinacyada dagaallamay ay ku geeriyoodeen dagaalka in ka badan tiradaasna ay ku dhaawacmeen sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in dagaal xaley ka dhacay markale Lambar 50 uu ahaa mid aad u culus oo labada dhinac waxay u muuqdeen kuwa is soo ballansaday ayuu yiri Siidii guddoomiyaha gobalka gobalka Shabeellaha Hoose.

Siidii ayaa xusay in dagaalkii xaley uu ka dhacay dhul deex ah oo aaney joogin cidna marka laga reebo dhinacyada dagaallaamay sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in xaalada maanta lambar 50 ay deggan tahay dagaalkana uu iskiis u qaboobay balse labada dhinac ayaa is hor fadhiya ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com