28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Xildhibaannada baarlamanka oo codka kalsoonida siiyay xukuumada cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke.

Fadhiga goor dhow codka kalsoonida lagu siiyay Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaana soo xaadiray kulanka xildhibaano gaaraya 213.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay qaab gacan taag ah, iyadoon xildhibaanada loo qeybiyay dhowr saf si codka loo qaado.

Sidoo kale, codeynta Xildhibaanada markii ay dhamaatay waxaa codadkooda si kalsooni ay ku dheehan tahay natiijada ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaan uu yiri “Waxaa Aqbalay xukuumadda in ay shaqeyso 191 mudane 22 wey diideen”

Dhanka kale, waxaa hadda xarunta ka socda dhaarinta wasiirada cusub ee xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo si kalsooni leh codka uga helay Xildhibaanada goobta soo xaadirtay.

Wasiirada cusub ayaa waxaa dhaarinaya Gudoomiyaha Maxkamada sare Caeydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf, waxaana looga fadhiyaa inay dardar galiyaan howlaha loo soo xushay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News