Muqdisho (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday wasiirkii hore ee arimaha gudaha dowladii KMG aheyd Muuse Nuur Amiin.
Wuxuu ku geeriyooday xarun caafimaad oo ku taala magaalada Muqdisho, sida uu xaqiijiyay Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa waxaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay xanuun ahaan loo dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu baxnaaninayay muddooyinkii lasoo dhaafay.
Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in wasiirkii hore ee arimaha gudaha uu ahaa nin halyeey ah oo dadka Soomaaliyeed ay xasuusan doonaan, sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in maanta aas qaran loogu sameyn doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

