Faah-faahin: Qarax khasaaro geestay oo maanta ka dhacay magaalada…!

Jowhar (Caasimada Online) Inta la ogyahay seddax qof oo uu ku jirro askari ciidamada dowladda ayaa ku dhaawacmay qarax bambaano oo habeenkii xaley lagu weeraray ciidamo ku sygnaa goob qaadka lagu iibiyo oo ku taalla magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeellaha Dhexe.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuq ku yaalla xaafadda Hanti-Wadaag oo ka mid ah xaafadaha magaalada Jowhar, waxaana markii uu dhacay goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo baaritaano ka sameeyay xaafadaha ku dhow suuqa.

Dhinaca kale, hal qof ayaa ku dhintay dad kalena waa la’yahay kaddib markii ay ku soo duntay goob carada laga qodo oo ku taalla xaafadda Horseed ee magaalada Jowhar.

Dhacdooyinka noocan oo kale waa kuwa ku soo laab laabtay deegmada Jowhar sida ay lee yihin wariyaal ku sugan magaalada.

Waxaa goobta gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Jowhar iyo dadka shacabka ee ku nool magaalada kuwaasoo u gurmaday dadka ku go’doonsan godka carada laga qodo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Casimada@live.com