Degmo ka tirsan Muqdisho oo noqotay lama galaan dadka iyo gaadiidka ay ka baqaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaan daro baahsan ayaa ka jirta degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana dadka deegaanka ay qaati ka taagan yihiin maleeshiyo hubeysan oo ku labisan dareeska ciidamada dowladda.

Xiliga qoraxda dhacdo ayaa gaadiidka Bajaajta iyo kan Dhaweeyaha ee Hormuud ayaa intooda badan ogolaaneyn inay dadka u socda degmada Kaaraan qaadaan, iyagoo ku sababeynaayo dhibaatada ammaan daro ee degmadaasi ka jirto.

Xaafadaha degmada Kaaraan ayaa kala daran amaan darada ka jirta, waxaana ugu daran xaafadaha laamiga ka koreeyo ee Nageeyle, Jabuuti, Buurka Diikoow, Xaliimo Heyti iyo xaafadda Arjantiin.

Dadka ku fiidsada guryaha irdahooda ayaa laga xuubsadaa taleefanada, gaadiidka Bajaajta ayaa inta la joojiyo dadka saaran la baartaa, halka qaarkood burcada ay kaxeystaan bajaajta.

Dilal kala duwan oo todobaadyadii u danbeeyay ka dhacay degmada Kaaraan, markii dhalinyaro fiidsanayay ay isku dhejiyeen inay dhiibaan taleefanada burcada weydiisatay.

Ma jirto cid mas’uuliyad iska saartay wax ka qabashada amaan darada ka jirta degmada Kaaraan, waxaana habeen walba ka dhaca isku dhacyo dhex mara burcada wax baarata iyo gaadiidka hubeysan isticmaasha wadooyinka degmada Kaaraan.

Todobaadkii hore ayaa kooxo burcad ah oo dooneysay inay dhacaan gaari Bajaaj ah waxaa ka badbaadiyay ciidamo ilaalo u ahaa Muxuddiin Warbac Shadoor oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda federaalka xiligaasi oo isku dhac mudo daqiiqado ah socday uu ku badbaadiyay Bajaajta iyo darawalkii waday, iyadoo ciidamadii ay ceyrsadeen sadax nin oo  hubeysnaa kuna labisnaa dareyska ciidamada.