Guddiga doorashooyinka oo maanta dib u FASAXAY doorashada saddex kursi

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in dib loo fasaxay doorashada saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Beledweyne, kadib markii shalay la hakiyey qabashada doorashada kuraastaasi.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka, Axmed Safiina ayaa sheegay in la xalliyey cabashadii ka timid saddexdaasi kursi, isla-markaana la dhammeystiray habraacyadooda.

Kuraastan ayaa kala ah HOP030, HOP010 iyo HOP066, waxaana guddiga doorashada ee heer federal uu shaaciyey in saacadaha soo socda la qaban doono doorashadooda.

“Annaga oo ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal waxa aan bulshada Soomaaliyeed, Ergada iyo musharixiinta ku tartamaya HOP#010, HOP#30 & HOP#066 ku wargelineynaa in la saxay habraaca qayb ahaan u dhinneed kaddib markii aan go’aansanay in la shaqeeyo xili habeen ah loona dhammeystiray, Doorashadu waxa ay dhaceysaa Salaadda Duhur kaddib sidaas awgeed musharixiintu waa in ay usoo diyaar garoobaan” ayuu yiri Safiina.

Saddexdaan kursi ayaa ka mid ah kuraas maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneyd dood xoogan, taas oo keentay in xiisad laga dareemo magaalada Beledweyne.

Yaa ku fadhiya?

1- HOP#010 waxaa a ku fadhiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Axmed Jindi.
2- HOP#030 waxaa ku fadhiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.
3- HOP#066 waxaa ku fadhiyo Cumar Cismaan Waasuge.

Doorashada Beledweyne ayaa ah mid isha lagu wada hayo, maadaama kuraasta ku harsan magaaladaas ay ka dhasheen murano xoogan, walow haatan xal hordhac ah laga gaaray.