Jeneraal Indho-Qarshe oo go’aan ka qaatay HOP20 iyo Gaalkacyo kadib markii…

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa shalay isaga tagay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, ka dib markii si buuxdo loogu diiday inuu u tartamo kursiga #HOP20.

Guddiga Doorashada Galmudug oo uu gadaal ka riixayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa kursigan ka dhigay qoondo dumar.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gaalkacyo u yimid, sidii uu ugu tartami lahaa doorashada kursigaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay inaysan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble waxba ka qaban cabasho ay u soo gudbiyeen odayaasha beesha kursigaasi iska leh.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa laba habeen ka hor Magaalada Gaalkacyo kula kulmay odayaashaasi, isagoona u sheegay inaanan laga noqon doonin, sidii kursigaasi loogu xiray haweenka.

Odayaasha oo kadib u yeeray General Indha-qarshe ayaa ku samir-siiyay in waxa dalka ka socdaa aysan doorasho ahayn oo kuraasta la boobayo.

Intaasi ka dib jananka ayaa Madaxweynaha ku booqday Xarunta Madaxtooyada, waxaana uu u sheegay inuu isaga ambabaxayo magaalada, isagoo welibana xaq u leh inuu u dagaalamo kursiga uu reerkiisu leeyahay.

Saraakiisha ku dhowdhow Madaxweyne Qoor Qoor waxayse sheegayaan in kulanku ahaa mid ay dhinacyadu isu cafinayeen.

Doorashadan ayaa la fahamsan yahay in doorashooyinkii hore ee dalka laga qabtay kaga duwan tahay, iyadoo beeluhu aysan u madaxbannaanayn kuraastooda.