24.9 C
Mogadishu
Wednesday, January 14, 2026

Degmooyinka dulman ee Banaadir (Maxaan kusoo arkay Muqdisho?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaan dhawaan soo maray qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho anoo kusoo arkay waxyaabo aan lasoo yaabay anigoo u maleeyay in xaafadahaas aysan dowladdu dan ka lahayn.

Degmada huriwaa illaa degmada Wadajir ayaan soo maray waxyaabihii aan kusoo arkayna waxaa ka mid ahaa

  1. Laamiga ka baxa FAGAX ee aada Suuqa Xoolaha iyo SOS oo biyihii roobku gabi ahaan xireen, ayadoo baabuurtuna ay maraayaan xaafadaha dhexdooda, meesha laamiga ah ee biyuhu fadhiyaan waxaa u dhaw wartii loogu talo galay in biyuhu galaan waxay u baahan tahay in biyaha lagu leexiyo kaliya waddaduna nadiif ayay noqon lahayd.
  2. Waxaan kaloo soo arkay inta u dhexeysa FAGAX iyo SANCA halka loo yaqaan SIISII in laamiga dhexdiisa uu roobku isugu keenay bacaad aad u fara badan oo gaaray in baabuurtii ay laamiga dhexdiisa bacaad ku galaan ayadoona laamigaas uusan jajabnayn ee bacaad kaliya uu ka dulmaray laamigiina qariyay.
  3. Laga soo billaabo isgoysa Sanca illaa Tarabuunka Layrarkii solarka ahaa cilad ayay qabaan inta badan haba ugu darnaato SANCA illaa Afarta Jardiin oo mugdi saa’ida ah.
  4. Laamiga wadnaha ee dhawaan la dhisay intiisa badan waxaa qariyay bacaad xaafadaha roobku kasoo qaaday, haba ugu darnaato isgoysa Florenza illaa Isgoyska Bakaaraha.

Haddaba waxyaabaha is weydiinta mudan ayaa ah waan aragnaa in maamulka gobolka Banaadir ay nadiifiyaan waddada Maka Al-Mukaramah, maxaa diiday in waddada wadnaha ay sido kale xaaqaan, haday awal ku marmarsiyoon jireen ma dhisna hadda waa laami cusub,

Sidoo kale maxaa hor taagan in la dayactiro nalal waddadaas suran oo waliba aan cilad badan qabin oo mararka qaar aad arkayso inay shidmayaan laakiin ay damayaan.

Maxaa loo heli la’yahay la xisaabtan dhab ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka haba ugu darnaadeen degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Wardhiigley.

Guddoomiyaha gobolku muxuu usoo booqan la’yahay degmooyinka fogfog sida Kaxda, Dayniile, Huriwaa, Yaaqshiid, Dharkenley iyo Kaaraan si uu usoo ogaado dhibaatada ay shacabku ku qabaan waddooyinkaas iyo maritaankooda ayadoo ay go’an yihiin waddooyin muhiim ah.

Waxaa wax lala yaabo ah in Degdema Wardhiigley oo dhinac ay uga taalo Villa Soomaaliya ay dhinac kale waddooyinkii bacaad iyo qashin ka yaalaan

Qormadaani ma ahan mucaarado Gobolka Benaadir laakiin waa baraarujin ah in wax la saxo.

W/Q: Maxamed Deeq Taako

- Advertisement -

Read more

Local News