Maxaa lagu soo arkay dekada Barawe?

Muqdisho (Caasimada Online) – War waxyar ka hor naga soo gaaray Magaalada Baraawe, ayaa sheegaya in Ciidamada DF gaar ahaan kuwa Commandos-ka iyo Saraakiishooda ay booqdeen Dekada Baraawe.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Ciidamada iyo Saraakiishooda ay halkaasi kusoo arkeen Jawaano dhuxul farabadan oo loo diyaarinaayay in laga dhoofiyo Dekadda, iyadoona Amar goor dhow kasoo baxay Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi lagu hakiyay shaqada ka soctay Dekada iyo dhoofinta dhuxusha.

Abaanduulaha Ciidammada oo booqday Dakedda degmada Baraawe, ayaa waxa uu indha indheeyay Baqaarada ay ku jireen Dhuxusha la dhoofinaayay kuwaasi oo ay Maleeshiyadu ka carartay ka hor inta aan laga qabsan magaaladaasi, abaanduulaha ayaa sheegay in aysan dhici donin in Dhuxul dambe laga dhoofiyo Magaalada Baraawe.

Sidoo kale, Dekada ayaa waxaa lagu arkay Qalab cusub oo ay Maleeshiyadu ku kala waday Howlaha Dekada, waxaana la tilmaamayaa in qalabkaasi ay kamid ahaayeen wiishashka lagu dadgureeyo dhuxusha, bagaashka iyo gaadiid nooca raaxada ah oo lagu waday shaqooyinka Dekada.

Dhanka kale, Abaanduulaha ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo la hadlay shacabka Degmada ayaa waxa uu ka codsaday inay muujiyaan la shaqeynta Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa martida u ah ee AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com