Lacagtii lagu ridi lahaa ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo meel lasoo saaray (Xog)

Jeddah (Caasimada Online) – Muqdisho Waxaa ka jira hardankii u dhexeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cabdi Weli, waxaana ugu xiiso badan in dhaqaale la’aan ay heyso labadooda iyo dawladda, taasoo suuqa laaluushka aad u yareysey iyo rajada laga qabey in lacago la baxsho.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Faarax C/qaadir waxaa Sacuudi Carabiya loogu dhiibay warqad xiran oo Madaxweyne Xasan uu qoray, iyadoo ay Muqdisho joogeen Wasiirkii arrimaha dibadda Cabdiraxman Beyle, Wasiir ku xigeenkiisii Mahad Salaad iyo wasiiro dawlaihii wasaaradda arimaha dibadda.

Waa markii ugu horreysay taariikhda oo wasiir aan ku shaqo lahayn siyaasadda dibedda uu farriin ka qaado madaxweyne.

Wasiir Faarax wuxuu Warqadaas xiran farta ka saaray Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya, ayada oo halganka u ahaa in Xasan iyo Cabdi Weli ay isku haysteen cidda u baxeysa safarka Sacuudiga, sida aan horey u werinay.

xaajiga cusub

Waxaa la soo ogaadey warqaddaas waxa ku qoran oo ay ugu muhiimsanaayeen ka mahadcelinta doorka boqortooyada ay ka cayaartey kaalmeynta Soomaaliya sanadihii ay dhibaatada ku jirtey, kaalinta hadda ay cayaareyso, inay Somalia wajaheeyso dagaal lagula jiro xag-jirka iyo aragagixisada iyo in abaaro culus ay soo fool leeyihiin, sidaas awgeed waxay ka codsadeen boqortooyada 15 milyan doollar oo degdeg ah (emergency)

Madaxweyne Xasane markii uu tagey Sacuudigana wuxuu sii adkeeyay codsigiisii Warqada xiran, waxaana ujeedku yahey ugu badnaan in laga soo helo lacag gaareysa $5 milyan oo motion-ka ka dhanka ah Ra’isul wasaare Cabdi Weli lagu dardargaliyo isla markaana ugu danbeyn meesha looga saaro.

{Maanta} oo ah arbaco ah, ayaa la filayaa in Xasan Sheekh uu ku soo laabto Muqdisho, waxaana ku hari doona Sacuudiga oo lacagtii ay codsadeen soo qaadi doona Xaajiga cusub ee Faarax C/qaadir.

Marka Faarax soo laabto, waxaa la farqi doonaa lacagta, waxaana ay u badan tahay in Cabdi Weli meesha uu ka baxayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com