Kala carar ka dhacay madaxtooyada & ciidamada DF Somalia oo heegan galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Gaari ay ku xirnaayen wal xaha Qarxa lagu arkay meel Madaxtooyda Soomaaliya udhaw.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa waxaa baaritaano kadib lagu arkay isagoo ay ku xiran yihiin Walxaha qarxa, waxaana durbadiiba Qaraxyadaasi kala furfuray Ciidamada u tababaran miino baarista ee AMISOM.

Gaariga ayaa la sheegayaa inuu kusii jeeday gudaha Villa Somalia, waxaana la tilmaamayaa in laga cabsi qabo inay hagayeen shaqsiyaad ku sugan Madaxtooyada Somalia, waxa uuna Ujeedka gaariga ahaa fulinta weerar ismiidaamin uu ka geysto gudaha Madaxtooyada.

Warar kaasi khilaafsan ayaa sheegaya in gaariga uu damacsanaa inuu weerar ismiidaamin ah ku fuliyo gaadiid la socday Ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xiligaani kasoo baxay Munaasabad ka dhacday Jaamacada Umada, kuna sii jeeday Villa Somalia, waxa uuna gaariga kusii diyaarsanaa afafka hore ee Madaxtooyada.

Waxaa hada degan xaalada waxaana la soo sheegayaa in Ciidamada Villa Somalia ay yihiin kuwa feejignaan muujinaaya iyadoona gaadiidka qaar laga mamnuucaayo galitaanka Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com