Xog: Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb oo isla gartay ka hortagga caraqalad P/L

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Magaalada Cadaado, ayaa sheegaya in kullan xasaasi ah oo halkaasi ku dhex maray Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug, ay ku faaqideen arrimaha maamulka gobollada dhexe iyo caqabadda kaga iman karta Puntland.

Ilo wareed ka tirsan Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in Labada Madaxweyne ee Galmudug Cabdi Qeybdiid  iyo Ximan iyo xeeb C/lahi Baarleex ay ku heshiiyeen inay dardar galiyaan dhismaha maamulka Maamulka lagu mideynaayo Mudug iyo Galgaduud.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegayaa inuu qeyb ka yahay in ay si wada jir ah isaga difaacaan Maamulka Puntland waa haddii ay faragalin sameyso inta uu socdo shirka looga arinsanaayo dhismaha Maamulka.

Madaxweyne Qeybdiid iyo Madaxweyne C/lahi Baarleex ayaa xiligaani ku midoobay inay barbaariyaan maamulka cusub ee uu shirkiisu ka dhacaayo Cadaado, waxa ayna aad uga feejigan yihiin diidmada maamulka Puntland oo sheegtay deegaano ka mid ah mudug.

Lama Oga sida uu xaalku noqon doono, waxaana muuqaneysa ifafaalooyin ay Puntland ku dooneyso is hortaag lagu sameeyo dhismaha Maamulka cusub oo ay daadihinayaan maamulada Galmudug iyo Cadaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com