Galayr oo mowqif aan laga fileyn oo ku wajahan Somaliland shaaciyey + Video

Saaxdheere (Caasimada Online) – Kadib markii Somaliland ay sidii la wada ogaa yeeshay ali Khaliif Galayr, oo illaa iyo Ethiopia ay bursatay, lama fileyn inuu Galayr muujinayo dabacsanaan ku wajahan.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay wada hadal uu la galo Somaliland, xili ay dhawaan ku baaqeen in ay dhankooda u diyaarsan yihiin wada hadal lala furo Madaxda Khaatumo ee Cali Khaliif hoggaamiyo.

Cali Khaliif ayaa sheegay in halkii dagaal wax lagu dooni lahaa in ay ka jecel yihiin taas, in caqli wax lagu doono iyo nabad, wixii la wada leeyahayna nabad lagu heshiiyo.

“Magaaladaas Hargeysa iyo Burco maamulka jooga, maalmahan ay hadlayeen oo maqlayay inay rabaan wada hadal, meelaha loo maro wey yaqaanaan, anagana diyaar ayaan u nahay wada hadal, laakiin waxaa shardi ah inay dhulkaan ka kacaan”ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiya Muuse Biixi ayaa dhawaan ka dhawaajiyay in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay wada hadal iyo in wax la wada qeybsado, isagoo carabka ku dhuftay in Maamulka Khaatumo ay tabanayaan waxyaabo badan.

Laakiin buu yiri ma aqbaleyno in Xasan Sheekh Madaxweynaha Somalia uu usoo maro duminta Somaliland, sida uu hadalka u yiri.

“Walaal waa ku maqleynaa kaalay, wax nala qeybsado, xisbi furo, Madaxweyne u tartan, laakiin ma aqbaleyno, in Somalia u adeego oo Xasan Sheekh u adeego ma aqbaleyno” ayuu yir

Somaliland ayaa deegaanka Saaxdheer ka ceyrisay Cali Khaliif Galeyr xili ay socotay caleema saarkii Madaxweynaha Khaatumo oo isla deegaankaasi lagu soo doortay.

Halkan ka daawo Galayr.